Dadka baahiyaha gaarka qaba ee Nakuru oo ka faa’iideysanayo lacaga loo qondeeyay

Dadka naafada ama lixaadkoodu kala dhimanyahay ee ku nool ismaamulka Nakuru ayaa ka faa’iideysan doona lacaga uu u qoondeeyay sanduuqa naafada ee ismaamulkaasi.
Lacagtan ayaa dhan 27.5 milyan oo shilinka dalka ah.
Waxaa sidoo kale lacagtan loo adeegsan doona Ka sokow tababbarka la siin doonno in lacagtan lagu soo iibin donna kuraasta naafada.
Sanduuqa, ayaa sidoo kale kaalin weyn ka qaadan donna nolosha dadka baahiyaha gaarka qaba ee Nakuru si ganacsi loogu abuuro.
Lacagta loo qoondeeyay dadka naafada ayaa imaanaysa xilli kumanaan kun oo naafo ah ay heleen raashin gargaar si dhibaata dhaqaale aysan uga soo gaarin cudurka coronavirus
Madaxa ismaamulka Nakuru u xilsaaran arrimaha jinsiyada, cayaaraha, dhaqanka iyo adeeghyada bulshada Lucy Kariuki ayaa sheegtay in maamulka u hoggamiya barasaabka ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui uu doonayaa inuu u caaawiyo dadka naafada ku waas oo wajahayo dhibaato dhanka dhaqalaha.
Ms Kariuki ayaa xustay in howsha qaybinta cuntada ayaa sidoo kale ahayd furitaanka waaxda maadaama ay shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah dadka naafada ah aysan haysan dukumentiyo aqoonsi ah.
Ms Kariuki ayaa sheegtay in Waalidiin badan oo leh caruur naafo ah ma arkaan baahida loo qabo kaararka aqoonsiga ee sida kibaandaha marka ay da’adoodu gaarto 18 sano.
Waxay ugu dambeynti sheegtay in maamulka Nakuru la shaqeyn doono dowladda dhexe si loo hubiyo in dadka naafada ah ay helaan kaararka Aqoonsiga ee loo yaqaano ID karaka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here