Dadka dalxiisayaasha ah oo loogu baaqay inay isaga baxaan gobolka Kashmiir dalka Hindiya

Dadka ku nool deegaanka Kashmir ee wadanka Hindiya ayaa soo wajahday cabsi xoogan kadib markii laamaha amniga ay amreen in la joojiyo xaflada ay sanad waliba dhigtaan qowmiyada Hinduuga.
Amarkani la soo saaray ayaa looga goleeyahay la soo afjaro iso soo baxyada ka socda Kashmir iyo Jammu.
Dadka dalxiisayaasha ah ayaa sido kale loogu baaqay inay isaga baxaan gobolka Kashmiir.

Digniino ka soo baxay sirdoonka ayaa lagu muujiyay in ay jirto cabsi laga qabo weeraro Argagixiso lagu qaado deegaanka Amarnath Yatra oo xus diineed Hinduuga ku Dhigtaan.

tani ayaa timid maalmo un kadib markii xukumadda Hindiya ay 10,000 oo ciidamo ah gaysay Kashmiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here