Dadka deegaanka iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Mudug

Waxay Warar dheeraad ah ka soo baxayaan dagaal culus oo saaka degaanka Shabeeloow oo 20 km dhanka bariga kaga beegan Magaalada Bacadweyne ku dhex-maray dadka degaanka iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Deegaanka Bacadweyne Axmed Daahir Macalin ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay, kaddib markii ay Al-Shabaab afduubteen qaar kamid ah dadka degaanka oo uu ku jiro Sheekh Caan ka ahaa deegaankaas, isla markaana dadka degaanka oo ka carooday arrintaas ay la dagaalameen Al-Shabaab.
Dadka degaanka qaarkood ayaa sheegay in ilaa iyo Afar Ruux ay dagaalka ku geeriyoodeen oo labada dhinac ah ,kuwa soo meydadkooda ay yaalaan Gudaha degaanka Shabeeloow.
Guddoomiyaha Deegaanka Bacadweyne Axmed Daahir Macalin waxaa uu Tilmaamay in Maamulka uu baaritaan ku sameyn doonno khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay,isla markaana ay dib ka soo sheegi doonaan.
Degaannada ku dhow Magaalada Bacadweyne ee gobolka ayaa waxaa ku sugan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha Ciidamada Galmudug ay dhowr jeer sheegeen inay ka saari doonaan dagaalameyaasha halkaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here