Dadka habeenkii la qabto oo meel gaar ah lagu haynaya

Guddiga gurmadka qaran ee degdegga ah ee (NERC) ayaa abaanduulaha booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ku amray inuu meelo gaar ah u diyaariyo in la geeyo dadka habeenkii gacanta lagu dhigo.
Waxaa tan iyo 27-kii bishii saddexaad ee sannadkan laga billaabo 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo dalka ka jiro Bandow ay dowladda soo rogtay.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in habeenkii aan waddooyinka lagu arki Karin qof aan ka mid ahayn shakhsiyaadka bixiya adeegyada muhiimka ah.
Waxay wasaaraddu horay u go’aamisay in qofkii la qabto la karantiilaya taasoo ay cabasho iyo dhaliil dowladda loo jeedinaya ka dhalatay.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in qof kasta oo aan u hoggaansamin amarka bandowga habeenkii aan hadda kaddib la geyn doonin goob karantiil oo dowladeed.
Bandowga habeenkii ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ay ugu jirto xakameynta faafitaanka caabuqa coronavirus oo ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay 465 xaaladood oo la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here