Dadka ka bogsaday Corona virus ee Kenya oo kor u kacday

Maanta wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay kiisas dheeraad ah ee cudurka Corona Virus ka dib markii la baaray dad gaaraya 3,291 natijadii baaritaankii soo baxay waxaa lagu ogaaday inay cudurka qabaan 121 qof.
Tirada guud dadka la xaqiijiyay inuu ku dhacay COVID19 dalka waxaa ay gaartay 3,215,
Nairobi 49
Busia 37
Mombasa 20
Kajiado 5
Migori 4
Kiambu iyo Kilifi, min 2 kiis.
Muranga iyo Nyeri min 1 kiisa.
Kiisaska Nairobi
Kibra 18 Westlands 9 Kamukunji, iyo Ruaraka min 4 kiis.
Dagoretti North 3
Embakasi Central, Embakasi West, Langata, min 2 kiis ayaa laga helay.
Embakasi South, Kasarani, Roysambu, Starehe & Makadara, dhamaantood waxaa laga helay min 1 kiis.
Kiisaska Mombasa
Likoni 7 Mvita 5 Kisauni 3 Jomvu, iyo Changamwe,min 2 kiis halka .
Nyali, laga helay 1 kiis.
Kiisaska Kiambu Ruiru 1 iyo magaalada Kiambu 1 kiis.
Kiisaska Migori bariga Suna, 2, galbeedka Kuria , iyo bariga Kuria min, 1 kiis.
Kiisaska Kajiado bariga Kajiado, 3 halka bartamaha ismaamulkaas 2 laga diiwangaliyay .
Kilifi, the 2 waqooyiga Kilifi.
Muranga 1-ka kiis waxaa laga helay degmada Kiharu,
Nyeri, 1-ka kiis waxaa laga xaqiijiyay bartamaha Nyeri .
Busia, oo maanta laga helay 37 xaaladood ee corona dhamaantood waa darawaliinta gawaarida xamuulka waxayna ku sugnaayeen xadka Malaba.
44 qof ayaa ka caafimaaday caabuqan taasi oo bogsashada guud ka dhigtay 1,092 waxaana geeriyooday 3 qof oo dheeraad ah dhimashada guud ayaa gaartay 92.
Kiisaska maanta la helay 115 waa kenyaan 6-da kalena waa dad ajaanib ah,92 waa Rag halka 29-ka kalena waa Dumar dadka cudurkan laga helay maanta waxaa u yar canug 4 bilood dhalan waxaana u weyn 86 sano jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here