Dadka ka caafimaaday Corona Viruska Kenya oo sii kordhay

Kenya ayaa khamiista maanta ah diiwaangelisay 650 kiis oo cusub oo ‘Covid-19’ ah taas oo tirade guud ka dhigaysa 28,754.
24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 6,768.
Xog’hayaha wasaaradda cafaimaadka ee dalka Mercy Mwangangi oo maanta ka warbixinaysa warbixinta maalin laha ah ee Corona Virus ayaa shegtay in 490 qof oo dheeraad ah ay ka soo kabsadeen fyruska taas oo bogsashada ka dhigaysa 15,100.
Dr mwangangi waxay sido kale sheegtay in afar bukaan oo dheeraad ay u cudurka u dhinteen taas oo dhimashada guud gaarsiisay 460.
Waxay sheegtay in ilaa hada, ay Kenya ka jiraan 33 sheybaar oo sameynaya tijaabada Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here