Dadka ka safro Nairobi ee taga Homa Bay oo baaritaano lagu sameeynaya

Saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Homa Bay ayaa billaabay inay baaritaano ku sameeyaan shakhsiyaadka dhalasho ahaan ka soo jeedo dowlad deegaankaas ee ka safray magaaladatani Nairobi.
Waxaa la eegaya in dadkan ay muujinayaan astaamaha lagu garto cudurka Covid-19 iyo in kale.
Guddoomiyaha Dowladda dhexe u qaabilsan Homa Bay, Yatich Kipkemei ayaa sheegay inay jiraan ilaa saddex bar-kontorool oo ay baaritaannada ka socdaan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan rakaabka ka safray caasimadda dalka ee Nairobi oo laga xaqiijiyay kiisaska ugu badan ee Coronavirus.
Mr. Kipkemei ayaa intaa ku daray inay ku dadaalayaan sidii looga hor tagi lahaa in cudurka uu Homa Bay u gudbo.
Sido kale Dowladda ayaa xoojisay howlaha kormeerka ee ay ka wado xuduudda Kenya ay la wadaagto wadamada dariska la ah ee Uganda iyo Tanzania.
Dhanka kale 29 qof ayaa xalay lagu xiray ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka kuwaasoo lagu arkay waddooyinka maadaama uu habeenkii bandow wadanka ka jiro.
Galinkii dambe ee shalay ayuu wasiirka wasaaradda caafimaadka ee wadanka Mr. Mutahi Kagwe sheegay in tirada dadka laga helay xanuunka Covid-19 gudaha wadanka ay gaartay 81.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here