Dadka Soomaaliland ugu Geeriyooday Cudurka Corona oo kordhay

Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay kiisas Cusub oo Cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaannadeeda iyo qofkii 9aad oo Cudurkaas ugu dhintay tan iyo markii Cudurka laga helay.
Guddiga wacyigelinta iyo ka hortagga COVID-19 u qaabilsan Soomaaliland ayaa sheegay in la baaray 40 Ruux oo looga shakisnaa Cudurka lagana helay 18 Qof oo kamid ahaa dadkaas.
Dadka Cudurka laga haley ayaa Guddigu waxaay sheegeen inay joogaan 15 kamid ah Magaalada Hargeysa,halka Saddexda kale ay kala joogaan Magaalooyinka,Boorama iyo Odaweyne,waxaana dadka Cudurka laga helay ku jira hal qof u dhashay dalka Bangaladesh sida ay gudigu sheegeen.
Ugu dambeyn Guddiga xakamaynta Cudurka Corona ee Soomaaliland waxay sheegeen in qof qabay Cudurka uu ugu dhintay Magaalada Hargeysa kaasoo noqonaya qofkii Sagaalaad oo Soomaaliland ugu dhinta COVID-19.
Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland waxaay gaartay 121 qof 9 qof ayaa u dhintay halka ay ka bogsadeen 8 Ruux sida ay masuuliyiintu sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here