Dadka u dhimanaya cudurka CoronaVirus oo sare u kacday

Dalka Shiinaha ayaa wali waxaa ka taagan musiibo qaran ka dib markii ay sare u kacday dadka u dhimanaya caabuqa Corona.
Dhimashada ayaa saaka maraysa 2,236 qof halka uu soo ritay 75,685 ruux.
Beijinga ayaa laga soo tabiyay inuu sameeyay 1,109 qof .
Saacad walba ayaa la sheegay inuu qof u dhinto cudurka Corona Virus kaasi oo ay hadda si weyn ula tacaalayaan dhaqaatiirta Shiinaha.
aduunka dhan aya alaga cabsi qaba ainuu ku fido caabuqaas inkastoo uu hadda gaaray dalal dhawr ah.
Dhinaca kale Tobannaan qof oo mudaharaadaya ayaa magaalo Ukraine ku taal ku weeraray basas siday dad laga soo celiye dalka Shiinaha ee cudurka Coronavirus ka dillaacay.
Dadka la soo celiyey ayaa la geeyey isbitaal ku yaal magaalada Novi Sanzhary, ee badhtamaha gobolka Poltava, halkaas oo lagu karantiimayn doono muddo 14 maalmood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here