Dadka u dhintay fayraska Corona oo gaadhay 711

Xoghayaha maamulka Wasarada Caafimadka Dr Rashid Aman ayaa shaaciyay In 151 xaaladood oo cusub la diiwaan galiyay, ka dib marki laa baaray dhecanka 547 Waxayna wadarta guud ka dhigeyso 38,529.
Xaaldahan cusub ayaa waxay isugu jiraan 145 Kenyan ah iyo 6 ajaaniib ah. Raga waa 97 halka dumarka tiradoodu tahay 54. Bukaanka ugu yar waa ilma 1 sana dhalan kan ugu wayna waa 82.
Kiisaskan waxa laga diiwaan galiyay Ismamaulka kala ah, Nairobi 32 ,Nakuru (24), Kisumu (22), Garissa (14), Mombasa (10), Meru (8) iyo Kajiado (8), Kisii (6), Bomet iyo Kiambu (5) min shan kiis, Siaya (3), Uasin Gishu (2).
Ismamaulada kala ah Kilifi, Marsabit, Murang’a iyo galbeedka Pokot min laba kiis. Kakamega, Bungoma, Nyamira, iyo Kitui ayaa waxay diiwaan galiyeen min hal kiis.
Dr Aman ayaa shaaciyay in 168 ay ka caafimadeen, 105 ka mid ah waxa lagula socday xaaladooda caafimad guryaha, halka 63 laga soosaaray xaruumaha caafimad. Waxayna ka dhigeysa wadarta guud ee dadka ka caafimadaay 24,908.
Afar qof ayaa sido kale u dhintay xanuunka taas oo dhimashada guud ka dhigtay 711.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here