Dadka ugu farxadda badan oo ku nool Makueni

Darasaad cusub oo ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee Infotrak ayaa lagu sheegay in Kenyaanka ugu farxadda badan ay ku noolyihiin ismaamulka Makueni.
Tiradan ayaa lagu sheegay boqolkiiba 64.4 waxaana soo raaca galbeedka Pokot oo ah 62.4, Machakos 62.1 , Bomet oo ah boqolkiiba 61.8 iyo Kwale oo ah boqolkiiba 61.3 .
Sahankan ayaa imaanaya dhawr bilood uun kaddib markii ay Qaramada Midoobay ee Kenya u tixgelisay mid ka mid ah waddamada ugu farxadda badan qaaradda Afrika.
Bishii Maarso ee sannadkan Qaramada Midoobay ayaa Kenya u tixgelisay dalka ugu faraxadda badan Bariga iyo Bartamaha Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here