Dadka uu cudurka Corona ku dhacay Kenya oo ku dhaw 3 kun

Wasaarada caafimaadka ee dalka ayaa sida caadada u ahayd galabta faah faahin ka bixisay wararkii ugu dambeeyay ee caabuqa Corona Virus.
Waxaana dalka laga helay kiisas gaaraya 127 taasi oo sare u sii qaaday dadka uu soo ridanayo cudurkan halista ah.
Tirada guud ee COVID19 dalka waxaa ay hadda gaartay 2,989
Xog’hayaha caafimaadka dalka Dr Rashid Aman ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay xanuunkan dalka laga baaray dad gaaraya 2,247 .
Ismaamulada laga helay cudurkan.
Nairobi 62
Mombasa 34
Busia 14
Machakos 4
Bungoma 3
Kwale 1
Uasin Gishu 1
Kiisaska Nairobi
Kibra 21 Westlands 14 Ruaraka 12 Kamukunji 5 Langata 4 Dagoretti North 3 Makadara 1 Embakasi South 1 Embakasi West 1
Kiisaska Mombasa
Mvita 8 Nyali 7 Changamwe 6 Jomvu 6 Kisauni 4 Likoni 3
Kilifi cases:
Kilifi North 2, Kilifi South 1, Kaloleni 1 ,
Kwale: Matuga 1
Machakos: 4-ta kiis ee dhamaan waxaa laga helay Athi River.
Bungoma: 3-da kiis dhamaan waa darawaliinta gawaarida xamuulka waxayna ka soo jeedaan deegaanka Kanduyi
3 qof oo dheeraad ah ayaa maanta xanuunkan dalka ugu dhimatay taasi oo tirada guud ka dhigtay 88 .
Waxaana caabuqan ka caafimaaday saacadihii la soo dhaafay dad dhan 24 guud ahaana waxay wadarta bogsashada maraysa 873.
Guud ahaan waxaa cudurkan dalka laga baaray 100,683.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here