Dadka uu cudurka COVID19 ku haleelo ismaamullada kale oo aan Nairobi la keeni doonin

Guddiga gurmadka qaran ee loo xilsaaray ka falcelinta cudurka COVDI19 ayaa sheegay in qofkii ku sugan meel ka baxsan caasimadda wadanka ee Nairobi ee laga helo cudurka aan loo soo qaadi doonin magaala madaxda si loo daaweeyo.
Waxaa uu guddigan xusay in lagugu daaweynayo ismaamulka aad joogto.
Sido kale saraakiisha ammaanka ayaa lagu amray inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo ayna si buuxda u dhaqangeliyaan bandowga habeenkii.
Bandowga oo dalka ka jiray tan iyo 27-kii bishii saddeexaad ee sannadkan ayuu dhawaan madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta muddo 30 cisho oo dheeraad ah ku kordhiyay.
Shacabka ka safraya ama u ambabaxaya Nairobi iyo ismaamullada kale ee xayiraadda laga qaaday ayuu guddigu ku booriyay inay raacaan talooyinka wasaaradda caafimaadka sida afxirka , gacmaha dhaqashada iyo kala fogaanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here