Dadka uu ku dhacay Corona Kenya oo gaartay in ka badan 5 kun

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa galabta ka warbixisay xaaladihii ugu dambaysay ee caabuqa Corona Virus ee COVID-19 .
Xog,hayaha u qaabilsan dhanka caafimaadka ee dalka Mercy Mwangangi oo galabta Kenyaanka warbixin ka siisay kiisaska maanta la helay ayaa sheegtay in dalka ay ku soo kordheen 254 xaaladood oo cusub ee cudurka Corona Virus taas oo tirade guud ka dhigtay 5,206.
Kiisaskan maanta la shaaciyay ayaa timid ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad gaaraya 4,859 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Nairobi, 127 kiis,
Mombasa 36
Migori, 29
Kajiado, 22
Kiambu 12
Busia, (9),
Uasin Gishu, (5),
Muranga (3),
Machakos, & Kilifi, (2), cases each,
Nakuru, Siaya, Taita Taveta, Garisaa, Isiolo, Kakamega, & Kisii, (1) kiis
Guud ahaan waxaa xanuunkan wadanka laga baaray 151,396 qof.
Waxaa ka caafimaaday 41 qof tirada guud ee dadka ka bogsaday ayaa ah 1,823.
Sido kale waxaa u dhintay 2 qof oo dheeraad ah wadarta gud ee dhimashadu ayaa gaartay 130.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here