Dadka uu ku dhacay cudurka Corona virus ee Kenya oo gaartay 3,860

24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa gudaha dalkani Kenya laga diiwangaliyay kiisas dhan 133 ka dib markii baaritaano lagu sameeyay dad gaaraya 3,255 qof
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa galabta Kenyaanka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee caabuqa Corona Virus.
Waxaa uuna sheegay in kiisaska maanta laga kala diiwangaliyay ismaamuladan
Nairobi, 86
Mombasa, 27,
Kiambu, 7
Busia, 5
Muranga, Kilifi, Kajiado, & Migori, 2 cases each,
Machakos & Muranga,min 1 case ayaa laga helay .
40 qof oo dheeraad ah ayaa isbitaalada laga saaray kuwaas oo ka bogsaday cudurka ,caafimaadka guud ee xanuunkan ayaa hadda dalka waxaa ay gaartay 1,326 iyadoona dhimashada guud ay marayso 105 ka dib markii maanta uu 1 qof oo dheeraasd ah u dhintay Corona..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here