Dadkan aan goobaha dadweynaha maaskaro ku xiran oo 20 kun lagu ganaaxaya

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa wargeyska rasmiga ee Dowladda ku soo daabacay in qofkii la arko isagoo ku sugan goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan oo aan xirneyn afduub ama maaskaro laga qaadaya ganaax lacageed oo dhan 20 kun oo shilinka dalka ah.
Sido kale dhammaan rakaabka raacaya baabuurta dadweynaha, mootooyinka , Tuktuk ama gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay ayaa waxaa Khasab ah inay maaskaro sitaan.
Rakaabka raacaya baabuurta dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay tiro ahaan kama badan karaan in u dhiganta boqolkiiba 50 ee kuraasta.
Shuruucda uu Mr. Kagwe soo saaray waxaa ka mid ah inaan baskeli qof lagu qaadi Karin.
Wadayaasha mootooyinka waxay qaadi karaan oo keliya hal qof oo rakaab ah
Baabuurta loo yaqaano Tuktuk waxaa loo ogol yahay in xamuulka yaryar lagu qaado balse rakaab ka badan hal qof ma raaci karaan.
Shacabka ayaa laga doonaya inay sidan oo kale sameyaan marka ay joogaan goobaha dadweynaha ay isugu tagaan suuqyada, waddooyinka ama xita xafiisyada.
Hadii aan qofka la ganaaxin waxaa la xiraya muddo 6 bilood ah ama labaduba waa lagu ciqaabayaa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here