Dadkii ay labo sano ka hor saameysay dhibaatadii Solai oo lacago la siinaya

Ugu yaraan 400 oo qoys oo ay sannadkii 2018-kii dhibaato soo gaartay kaddib markii uu qarka jabsaday biyo xireenka Patel ee degmada Solai ee ismaamulka Nakuru ayaa ka mid ah shakhsiyaad ka faaiidaysanaya gargaar dhan 205 milyan oo shilin oo ay bixinaysa dowladda hoose ee Nakuru.
Caawimaaddan ayaa loogu tala galay dadka dhibaatooyinka u nugul ee qeybta ka ah bulshada si looga qafiifiyo culeyska dhaqaale ee uu sababay cudurka covid-19.
Golaha hoose ee ismaamulka Nakuru ayaa horay u ansaxiyay in lacagtan lagu soo iibiyo cunno la qeybinaya.
Wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Kabazi ,Dr. Peter Mbae ayaa warbaahinta u sheegay in qorshahan lagu daray qoysaskii qiyaastii laba sano ka hor Nakuru ku barakacay.
55-ta deegaannada hoose ee ismaamulka Nakuru waxaa la siinaya min 3.7 milyan.
Sido kale 1.5 milyan oo dheeraad ah ayaa loo qoondeeyay deegaannada hoose ee ay ku noolyihiin dadka liita ee ay saameynta ugu badan ka soo gaarto dhibaatooyinka ay fatahaadaha ka mid yihiin.
9-kii bishii shanaad ee sanandkii 2018-kii ayay ahayd markii biyo xireenka Patel ee Solai oo qarka jabsaday uu sababay dhimashada 48 qof.
Dadka xilligaas barakacay ayaa tiradoodu lagu sheegay ugu yaraan 5,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here