Dadkii lagu waayay qaraxii Ex-Control Afgooye oo wali la baadi goobayo.

Labo Cisho kaddib qarixii khasaaraha badan geystay ee ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaa weli isbitaallada iyo goobaha caafimaad ee caasimada Muqdisho ka taagan xaalad adag, waxaana qolalka meydadka la dhigo, hor tuban boqolaal shacab ah oo baadi goobaya xubno qoysaskooda eek a maqan si ay ugu helaan nolol ama geeri mid uun.
Hay’adda danbi baarista Booliiska Soomaaliyeed ee C.I.D iyo maamulka isbitaalka Madiina ayaa ku howlan sidii ay u reebi lahaayeen, xogta meydadka eheladoodii la la’yahay, si xogtaasi loogu reebo xilliga ay yimaadaan eheladooda.
Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 11 meyd oo aad u gubtay,ay sababtay in la aqoonsan waayo,waxaana hay’adda danbi baarista ee C.I.D ay wadaa sidii meydadka looga baari lahaa dheecaanka hida raaaca ee loo yaqaan D.N.A si loo garto cidda ay ka maqanyihiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay dalka Turkiga u qaaday qaar kamid ah dhaawacyadii cuslaa ee ku waxyeelloobay qaraxii Ex koontarool kuwaasoo waxbo looga ,waxeyna dowladdu wali wadaa gurmad dibadda loogu qaaday dhaawacyada culus ee aan dalka gudihiisa waxba looga qaba karin,iyadoo maanta la filayo in dalka Qatar loo qaado dhaawacyo kale oo halis ah, si halkaas loogu soo dabiibo.
Guddiga Qaran ee gurmadka qaraxii Ex-Control ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajiga xiga ee howlaha gurmadka qaran kaasoo ah sidii loo caawin lahaa dadka ay eheladooda waxyeeladu soo gaadhay.
Gudigaan oo wasiiro iyo saraakiil ciidan isugu jira ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta dhexe ee Gurmad Qaran waxay ka sheegeen inay Maanta Bilaabayaan wajiga labaad ee howlaha Gurmadka ah sidoo kalena ay jirayaan dad loo qaadayo wadanka Qatar.
Warbixinta Guddiga gurmadka qaranka ayaa lagu xaqiijiyay in 24 ruux oo la weysanaa 12 ka mid ah la helay walina ay sii socdaan howlaha gudiga.
Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in 5 ruux oo dhimasho ah la helay, halka hal qof oo dhaawac isna la helay.
Ugu dambeyn Guddiga gurmadka qaranka ee qarixii Ex-Control Afgooye ayaa sheegay 6 ruux ay caafimaad qabaan.
Qaraxii ka dhacay isgoyska ex-kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u fara badan.
Dowladda Qatar ayaa diyaarad milateri oo gargaar caafimaad sida u soo dirtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, maalin kaddib qaraxii dadka badan ku dhinteen oo ka dhacay Ex Koontarool.
Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani ayaa amarkiisa lagu soo diray, waxaana saaka diyaaradan ka soo duushay magaalada Doxa ee dalka Qatar, waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay soo gaarto Magaalada Muqdisho.
Diyaaraddan ayaa noqoneysa tii labaad oo gargaar sida oo Muqdisho soo gaarta, waxaana dowladaha Qatar iyo Turkiga ay ka soo jawaabeen baaqii degdega ahaa ee ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriiray mashaqadii ka dhacday muqdisho Maalinkii Sabtida.
Wasiirka Amniga gudaha ee dowlada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in diyaarad ay soo dirtay Qatar oo sida gargaar caafimaad ay sidoo kale qaadi doonto dhaawacyada kale ee dalka gudihiisa wax looga qaban waayo.
Shalay ayay aheyd markii sidan oo kale diyaarad milateri oo ah kuwa caafimaadka oo dowladda Turkiga soo dirtay ay Muqdisho ka qaaday dhaawacyada illaa 16 ruux, oo mid ka mid ah markii la geeyay Magaalada Ankara ay geeriyooday.
Aamino Cumaan Kheyre oo dhaawaceeda uu ad u cuslaa ayaa ku geeriyootay Magaalada Ankara waxaana la filayo in Maanta lagu Aaso isla magaalada Ankara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here