Dadweynaha oo looga dhigay inay ka sii hor dhacaan guddiga BBI

Dowladda dhexe ayaa shacabka uga dhigtay inay muujiyeen dareen xaqiiqda aan ku saleysnayn oo la xariira waxyaabaha lagu soo bandhigi doono warbixinta guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta ee BBI.
Guddigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhexmaray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa garabka mucaaradka Raila Odinga.
Waxaa xubnahan loo xilsaaray inay kenyaanka ka soo aruuriyaan aragtidooda ku aaddan ilaa sagaal qodob oo ay ka mid tahay sida looga gudbi karo doorashooyinka lagu kala qeybsamo.
Bishan gudaheeda ayaa la filaya in guddiga BBI uu warbixin soo saaro waxaana toddobaadyadii ugu dambeeyay siyaasiyiinta qaar ay sheegayaan in arrimaha laga filayo ay ka mid tahay isbeddel lagu sameeyo dastuurka.
Guddigan ayaa haysta ilaa 24-ka bishan Tobnaad si warbixin dhameystiran uu ugu gudbiyo madaxweyne Uhuru iyo Raila Odinga.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa digniintan loo diray shacabka jeediyay.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inaynan suurtagal ahayn in laga hadlo arrimo aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here