Dagaal Dadka deegaanka iyo AL-shabaab ku dhex maray gobolka Hiiraan.

Wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in saqdii dhexe ee xalay ay halkaas ka dhaceen dagaalo xooggan oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo dadka deegaanka.

Sida ay baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya Abaaro 10:00 habeenimo ee xalay ayaa dad is abaabulay oo la magac baxay Macawuusley ay weerar ku qaadeen fariisin dagaalamayaasha AL-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Luuq-Jeelow halkaas oo uu ka dhacay dagaal Mudo socday.

Mid ka mid ah kooxda AL-shabaab Dagaalka kula jirta ee la magac baxday Macawisleey ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay in iyagu ay weerarka qaadeen isla markaana ay Shababaab ka dileen 7 ka mid ah dagaal yahanadoodii halkaasi ku sugnaa.

Waxa uu sidoo kale Dhinacadooda tilmaamay inuu jiro dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale waxaana uu Xusay inay dib ugu soo laabteen deegaankii ay markii hore weerarka ka qaadeen.

Dhowr jeer ayay sidaan oo kale Al-shabaab iyo dadka deegaanka waxaay ku dagaalameen deegaano ka tirsan gobolka Hiiran iyagoo gacan ka helayo ciidamada dowladda ee gobolkaasi ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here