Dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay aqalka hoose ee baarlamaanka Migori

Wararka inaga soo gaaraya ismaamulka Migori ayaa sheegaya in dagaal gacmaha la isula tagay uu ka dhacay aqalka baarlamaanka hoose ee dowlad deegaanka Migori.
Dagaalkan ayaa dhexmaray wakiilo taagersan barasaabka Migori Okoth Obado iyo kuwa doonaya inay gudbiyaan mooshin xilka looga qaadaya mas’uulkaas oo ku eedeysan falal musuqmaasuq ah.
Wakilada taagersan Mr Obado ayaa isku dayay inay aqalka golaha hoose Migori ka saaraan wakiilka laga soo doortay Kanyamkago kaas oo lagu magacabao George Omamba.
Mr Omamba oo ka tirsan xisbiga ODM ayaa sanadkii 2019kii laga qaaday xilka ku xigeenka afhayeenka aqalka baarlamaanka Migori balse amar ka soo baxay maxkmadda ayaa loogu oggolaaday inuu kursigiisa dib ugu soo laabto.
Maanta dagaalka gacmaha la isula tagay ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray haweeney si magacaabis ah ugu jirta aqalka wakiilada hoose ee Migori.
Waxaana loola cararay isbitaalka kaddib markii ay gacanta ka jabtay.
Shalay ayay ahayd markii ay maxkmadda dib u dhigtay dhagaysiga dacwada wax isdaba marinta ah ee loo heysta gudoomiyaha Migori Okoth Obado
Kiiskiisa ayaa la dhagaysan doona mar kale 7-da bisha Oktober .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here