Dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Waxay Faah faahino dheerad ah kasoo baxayaan dagaal xalay deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan ku dhex-marey Ciidamada Kooxda Macaawiisley iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid,kadib markii sida la sheegay Xubno kamid ah Kooxda Macaawisley ay weerar ku qaadeen Fariisimo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan laba saacadood socday sida ay warbaahinta guduhu xaqiijisay.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa Warbaahinta u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Al-Shabaab iyo Kooxda macawiisleeyda.
Guddoomiyaha deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan Aadan Cali Seedow isana wuxuu sheegay in dagaalkaas uu dhacay,isla markaana uu ka dhashay khasaaro soo kala gaarey labada dhinac,balse ay dib ka soo sheegi doonaan.
Wararkii ugu dambeeyey ee Saaka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Cali ee lagu dagaalamay ayaa waxaay sheegayaan in Ciidamada Kooxda macawiisleyda ay dib uga soo laabteen deegaankii ay weerarka ku qaadeen ee Ceel-Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here