Dagaal ka dhacay Kashmiir oo lagu dilay 8 sarkaal

70

Ciidamada difaaca dalka Pakistan ayaa sheegay in saddex sarkaal ay uga dhinteen dagaal ka dhacay gobolka lagu muransanyahay ee Kashmiir.
Dagaalkaasi oo u dhexeyay saraakiisha ammaanka ee Pakistan iyo India ayaa waxay sido kale wararku sheegayaan inay ku nafwaayeen 5 dhalasho ahaan ka soo jeedo India.
Hasa ahaate xukuumadda New Delhi ayaa beenisay in iskudhacaasi uu wax khasaaro ah ka soo gaaray.
Afhayeenka ciidamada militariga Pakistan Asif Ghafoor ayaa arrimahan shaaca kaga qaaday bartiisa twitarka.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda India ay meesha ka saartay maqaam sare oo gobolka Kashmiir uu horay u lahaa taasi oo siyaabo kala duwan looga falceliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here