Dagaal ka dhex qarxay Golaha hoose ee Bomet

Waxaa lagu soo warramayaa inay shaqaaqo ka dhax dhacday Golaha hoose ee ismaamulka Bomet oo lagu dooranaayay guddoomiye cusub.
Murankan ayaa waxaa sababay kadib markii uu isfahan waa’ soo kala dhexgalay qaar kamid ah wakiilada aqalkaasi.
Dhibaatadan ayaa billaabatay kadib markii qaar kamid ah wakiilada Golahaasi oo uu horkacayo wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Embomos Robert Serbai uu dalbaday in guddoomiyaha cusub uu ka soo jeedo deegaanka Konoin maadaama sida uu hadalka u dhigay hoggaamiyasha kale sida barasaabka , seneterka iyo wakiilka haweenka ay ka soo jeedaan deegaanada kale ee ismaamulkaasi.
Hase ahatee, Mr .Serbai ayaa si khasab ah looga saaray gudaha aqalka iyadoo codeyntana ay sii socotay.
Nelson Mutai oo ka soo jeedo deegaanka bartamaha Bomet ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo guddoomiyaha cusub uu aqalkaasi yeelanaayo kadib markii uu helay 24 cod.
Jagadaasi ayaa banaanaatay kadib markii guddoomiyihii hore ee golahaas Shadrack Rotich loo doortay inuu noqdo barasaab ku xigeenka ismaamulkaa Bomet.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here