Dagaal Xalay ka dhacay degmada Bariire iyo ciidanka dowlada oo halkaas howlgalo ka wada.

Waxay Faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan dagaal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Wararka ayaa intaas ku daraya inuu Dagaalku yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire halkaas oo dhowr bilood ka hor ay Ciidanka dowladda kala wareegeen xunaha AL-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inuu jiro khasaaro kala duwan oo dagaalkaas kasoo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aan weli la xaqiijin karin maadaama xilliga dagaalku dhacayay ay habeen ahayd.
Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ee deegaanka Bariire,isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaalame.
Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin dagaalka xalay Ciidamada Dowladda ay kula galeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana wararka aan saaka ka heleyno deegaankaas ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay duleedka Bariire ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgalo AL-shabaab ka dhan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here