Dagaal xoogan oo wali u dhaxeeyay Armenia iyo Azerbajian

Armenia iyo Azerbaijan waxay isku eedeeyeen midba midka kale inuu si toos ah rasaas ugu ridayo iyagoona ka caga jiidaya inay galaan heshiis nabadeed.
Dagaalka u dhaxeeyay labadan dal ayaa wali socdaa waxaana ku dhimatay in ka badan 90 ruux.
Warar ayaa sheegaya in boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Mucaaradka dowladda Suuriya oo laga diray dalka Turkiga ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia, si ay gacan u siiyaan ciidamada Azerbaijan.
Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa maanta galay maalinti afaraad.
Labada waddan ayaa isku heysta gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan hase yeeshee dadka daggan ay kasoo jeedaan Armenia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here