DHAGEYSO:Dagaalka AL-shabaab ka dhanka ah oo la kordhinayo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay wado qorsho ku aadan sidii loo kordhin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab,isla markaana wadatashiyo lagala yeelanayo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Go’aankaan ayaa laga soo saaray kulan uu Magalada Muqdisho kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madax ka tirsan Maamul goboleedyada iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka gaar ahaan kuwa daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii Xubnaha Beesha Caalamka ay taageero weyn u siin lahaayeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madax uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wakiilada Beesha Caalamka ay isla garteen in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaana howlgallo laga sameeyo deegaannada ay ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here