Dagaalo beeleed ka soo cusboonaaday Nakuru

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Nakuru ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen iskudhacyo soo cusboonaaday.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay hadda xasarad sare halkaas ka jirto kaddib markii habeen hore weeraro la gaystay sido kalena dab la qabadsiiyay ugu yaraan 10 guri.
Meelaha ay iskudhacyada saameeyeen waxaa ka mid ah tuulooyinka  .
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Nakuru Erastus Mbui ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay deegaanada iskudhacyada laga soo tabiyay si ay amniga u sugaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here