Dagaalyahanada Ruushka oo ka cararay Galbeedka Libya ka dib khasaaraha soo gaaray Xaftar

Dagaalyahanada Ruushka ee ku sugan Libya ayaa u cararay dhanka koonfureed ee Tripoli iyaga iyo xulafadooda ee ciidamada daacada u ah jenaraal Khalifa Xaftar kadib markii ay ka carareen furimaha hore ee caasimada, Tripoli, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah.
Ka bixitaankii Ruushka ee la sheegay Axadii ayaa dhabar jab kale ku ah ciidamada Khalifa Haftar iyo xulafadiisa shisheeye, kuwaas oo in ka badan sannad isku dayayay inay qabsadaan caasimadda Tripoli oo ay gacanta ku hayaan ciidamadda dawladda oo ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.
Dagaalyanada Ruushka oo xulafo la ah maleeshiyada Xaftar ayaa dib uga gurtay caasimadda iyaga oo dagay garoonka diyaaradaha Bani Walid, oo ah magaalo 150 kilomitar dhanka Koonfur Bari kaga beegan Tripoli sida uu sheegay duqa magaalada Salem Alaywan.
Waxaa uu sido kale mas’uulkan sheegay in dagaalyahanada Ruushka ay u carareen dhanka Jufra, oo ah tuulo ku taalla bartamaha dhulka ay haystaan maleeshiyadda Xaftar.
Afhayeenka ciidamada Xaftar, Axmed Mismari, ayaa beeniyay in ciidama shisheeye ay ka barbar dagaalamayaan xoogagiisa.
Ciidamadda dawladda ee uu caalamka aqoonsan yahay oo taageero ka helayo kuwa Turkiga ayaa isbuucyadii la soo dhaafay qabsaday gooba istraatijiyad ah oo uu haystay Xaftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here