Dagaalyahanada Xisbullaah iyo ciidamada Israel oo isku dhacay waqooyiga xadka

Ciidamada Israel ayaa rasaas isweydaarsadeen dagaalyahanada Hezbollah xadka u dhexeeya Israel iyo Lubnaan maanta oo Isniin ah, dagaalkii ugu cuslaa ee u dhexeeya labada dhinac muddo ku dhow hal sano.
Af hayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa sheegay in ciidamadu ay fashiliyeen weerarka Hezbollah ay ku soo qaadi rabeen cidamadiisa.
Ma jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidamada Israel, sida uu sheegay Adraee.
Hezbollah ayaa weerarka howlgalka ka dhanka ah askarta Israel ka fuliyay aaga lagu muransan yahay ee Shebaa Farms.
Weerarka ayaa ahaa mid aargoosi ah ka dib markii diyaarado dagaal oo Israel leedahay meel u dhaw caasimada Syria ee Dimishiq ay ku dishay dagaal yahana ka tirsan Hezbollah usbuucii hore, sida ay sheegeen ilo wareedyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here