DAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo balan qaaday inuu hormuud u noqonayo midaynta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guriga Madaxtooyada kaga qaybgalay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ay xorriyaddooda la soo laabteen, iyo is-raacii Koonfur iyo Waqooyi.
Madaxweynaha oo munaasabadda 1-da Luulyo khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna ku boorriyay inay ku fara-adaygaan midnimada, wadajirka iyo walaaltinnimada dhexdooda ah, kana qayb-qaataan dadaallada ay dowladdu ugu jirto dhisidda Qaran Soomaaliyeed oo maqaam sare ku dhex leh caalamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka sheekeeyay doorkii ay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka Soomaaliyeed ka qaateen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya isagoo u duceeyay halgamaayaashii naftooda u huray xorriyadda iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.
Madaxwenaha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalintii la gurtay miraha halgankii gobonnimo doonka ee ay ka qaybqaateen halyeeyada Soomaaliyeed kuwaas oo ku midaysnaa aragtida ah inay diidaan gumaysiga, gunnimada iyo quursiga isla markaana aanay oggolaan in cid kale ka sarrayso.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda ay midnimadu leedahay iyo horumarka dalka uu gaadhay wuxuuna shacabka Somaliland ku ammaanay sidii ay wakhtigii israaca ugu tanaasuleen wadajirka ummadda, isagoo hoosta ka xarriiqay in dowladda uu hogaamiyo ay diyaar u tahay inay ka qanciso dadka gobolada Waqooyi tabashooyinkooda si meesha looga saaro kala qaybsanaanta umada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmajao ayaa balan qaaday inuu hormuud ka noqon doono qorshe kasta oo dadka Soomaaliyeed la isugu keenaya,wuxuuna jiilka cusub ee gobolada Waqooyi ugu baaqay inay qaadaan dhabihii aabayaashood qaadeen oo ay dhexda u xirtaan inay markale kaalin weyn ka qaataan midaynta dadka Soomaaliyeed si ay Caalamka intiisa kale u Tartamaan ayadoo mabda’odu mid yahay.

 

Munaasabadda 1-da Luulyo ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada munaasabadaha xoriyada Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir.
Dhamaan gobolada dalka Soomaaliya iyo wadamada kale ee ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin ayaa xalay waxaa ka dhacay munaasabado kala duwan oo lagu weynaynayay Maalinta kowda Luulyo oo ah markii gobolada Koonfureed ee dalka Dalka Soomaaliya ay madxbanaanidoodii ka qaateen gumaystihii Talyaaniga Sidoo kalena ay israaceen waqooyinka iyo koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here