DHAGEYSO:Maamulka Gobolka Bari oo digniin soo saaray

Maamuka Gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa soo saarey digniin ku socota Ganacsatada ku nool Gobolkaas, oo ku saabsan inaysan qiima koror ku sameyn karin badeecadaha kala duwan oo ay iibinayaan ayagoo doonaya inay ka faa’iidaystaan dhibaatada aduunka oo dhan ka jirta.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdi Samad Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay jiraan Ganacsato qiimo koror ku sameeyey badeecadaha kala duwan,iyagoo ka faa’iideysanaya dagaalka lagula jiro Cudurka Coronavirus ee dunida oo dhan saamaynta weyn ku yeeshay.
Ugu dambeyn waxaa uu Ganacsatada ku nool Gobolka Bari uga digey inay sare u qaadaan qiimaah maciishada,isla markaana dadkii lagu arko Xarumahooda loogu soo gali doono tallaabo sharciga waafaqsana laga qaadi doono.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdi Samad Yuusuf Maxamed ayaa wuxuu Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi Bari wuxuuna faahfaahinayaa qodobada laga doonayo inay dadka deegaankaasi u hogaamsamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here