Daladda shaqaalaha ee COTU oo dalbatay in la kala diro guddiga shirkadda KQ

Daladda ay ku mideysan yihiin ururada shaqaalaha ee COTU ayaa dalbatay in meesha laga saaro guddiga maamulo shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways, madaxa fulinta iyo maareeyaasha sar sare.
COTU ayaa arrinkan shaaca ka qaadday iyadoo garab istaag u muujinayso shaqaalaha duulimaadka oo ka cabanaya maamul xumo.
Waxay COTU guddoomiyaha guddiga shirkadda KQ Michael Joseph iyo madaxa fulinta Allan Kilavuka ku eedeysay inay u dulqaadayaan waxqabad aan wanaagsanayn.
Uruka ay ku mideysan yihiin wadayaasha diyaaradaha , shaqaalaha waaxda duulimaadka dalka ee (KAWU) iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka COTU Ernest Nadome ayaa shir jaraaid oo ay qabteen ka sheegay in mas’uuliyiinya sar sare ee shirkadda Kenya Airways oo is casilo ay wadada u xaareyso in baaritaano lagu sameeyo sababta ay KQ u wajahaysay khasaaro dhanka dhakhliga ah tan iyo sannadkii 2004-tii.
Mr. Nadome ayaa laamaha dambi baarista sida DCI iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ka dalbaday inay baaritaano guda galaan.
Waxaa uu xusay in dhibaatooyinka dhanka maamulka ee ka dhex jiro shirkadda ay salka ku hayaan wax isdaba marin oo guddiga maamulo laga doonayo inuu faahfaahin ka bixiyo.
Sido kale waxay mas’uuliyiintan carabaabeen in shaqaalaha ay shaqo joojin sameynayaan iyadoo laga soo horjeedo qorshaha shirkadda Kenya Airways ee ah in la dhimo tirada howlwadeenada.
Maalinkii Jimcada ayay shirkadda qaran ee duulimaadka sheegtay in sannadkan 2020-ka ay lumin karto in ka badan 70 bilyan oo shilin marka la barbardhigo 12.98 bilyan oo ay lumisay sannad maaliyeedkii 2019-kii.
Madaxa fulinta ee Kenya Airways Allan Kilavuka ayaa saadaashan u aaneeyay saameynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka COVID-19.
Shirkadda KQ ayaa warbixin ay soo saartay oo lagu eegay lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan ku sheegtay inay lumisay lacag dhan 14.3 bilyan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here