Dalal carbeed oo madaxweynaha Soomaaliya u soo diray dhanbaalka 60 guurada Soomaaliya.

Aydoo Soomalaiya ay u dabaal dagayso sanad guuradii 60 aad ee ka soo wareegtay Markii ay madax banaanideeda qaadata ayaa waxaa Madaxweynaha Soomaaliya soo gaaray dhanbaalyo Hanbalyo ah oo ku saabsan 60 Jirsashada Soomaaliya.
Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan ayaa dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,taas oo ku saabsan munaasabadda sannad-guurada 60-aad ee madax-bannaanida goballada Koofureed ee dalka iyo Midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur.
Hambalyada ayaa lagu yiri “Boqorka isaga oo ku hadlaya magaca, shacabka iyo dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuu bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxwayanaha iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo u rajeyanaya farxad, degganaansho iyo nabad waarta”
Dhinaca kale Amiirka Qatar SheekhTamiim Bin Xamad ayaa hambalyo ku saabsan maalinta xorriyadda u soo diray Madaxwaynahaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo.
Amiirka ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u rajayeey barwaaqo iyo nabad waarta inay ku gaaraan sanadka dambe.Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Qadar Sheekh Khaalid Bin Khaliifa ayaa dhiggiisa Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre usoo diray hambalyo ku aadan sannad guuradii 60aad ee ka soo wareegtay xornimada goballada Koofureed iyo Midowgii labada gobal ee Waqooyi iyo Koofur.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Qadar Sheekh Khaalid Bin Khaliifa ayaa dhiggiisa Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre usoo diray hambalyo ku aadan sannad guuradii 60aad ee ka soo wareegtay xornimada goballada Koofureed iyo Midowgii labada gobal ee Waqooyi iyo Koofur.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here