Dalka Afghanistaan oo ay ka dhaceeysa labo xafladood oo lagu dhaarinayo labo “madaxweyne’

Labada hoggaamiye ee isku haya qabashada talada ugu sarreeysa ee dalka Afghanistaan kuwaas oo sheegtay inay ku guuleysteen doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday wadankaas ayaa qorsheenaya in la dhaariyo maanta.
Labadan nin ayaa kala ah madaxweynaha xilka haya ee Ashraf Ghani iyo ninka tartanka kula jira ee Cabdullah Cabdullah.
Cabdullah Cabdullah ayaa dhankiisa sheegay in uu dib u dhigi doono is dhaarinta hadii uu sidaasi sameeyo madaxweyne Ashraf Ghani.
Balse saraakiisha Mr. Ghani ayaa sheegay in xafladda lagu dhaarinayo hoggaamiyahan ay dhaceyso duhurnimadan, taas oo ka dhigeeysa in labada xafladood la isku garab qabanayo.
Waxaa burburay dadaaladii uu Mareykanka iskugu dayayay in uu ku dhexdhaxaadiyo labadan mas’uul.
Mr. Ghani ayaa madaxweyne ahaa tan iyo sannadkii 2014-kii.
Guddiga doorashada ee dalkaasi ayaa ku dhawaaqay in uu ku guuleeystay doorashadii bishii Sebtembar ka dhacday Afghanistan balse Mr. Cabdullah ayaa ka soo hor jeestay natiijada asaga oo sheegay in si xor ah oo madax bannaan ay u dhicin codeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here