Dalka Benin oo doorasho ka dhacday iyada oo uu jiro fayraska korona

Dalka Benin ayaa waxaa ka dhacday doorasho maxali ah maalinkii Axadda iyada oo saraakiisha ay ku adkeeysteen in la qabanayo maadaama uu jiro cudurka COVID-19.
Dalkan ayaa isbuucan gudihiisa khafiifiyay xayiraadihii saarnaa shacabka kaas oo lagu xakamaeenayay faafida fayraska korona, waxaana ila iyo hadda dalkan uu cudurka ku dhacay 339 qof halka uu nolashoodu galaftay labo qof.
Balse, dadka codeeynayay ayay tiradoodu aad u hooseesay.
Wadanka Benin ayaa ku jiray khalalaaso siyaasadeed kadib khilaaf ka yimid doorasho baarlamaani ah oo bishii Abril ee sannadkii hore dhacday.
Xisbiyada xulafada la ah madaxweeyne Patrice Talon ayaa ku guuleeystay dhamaan kursiyada doorashadaasi ka dib go’aan uu soo saaray guddiga doorashada oo ka xanibay mucaaradka in ay tartamaan, shuruudo ay kasoo bixi waayeen awgeed.
Doorashada Axadii ayaa waxaa aan qeyb ka ahayn mucaaradka balse madaxweyne Talon ayaa loolan adag kala kulmay nin ganacsada ah oo lagu magacaabo Sebastien Ajavon.
Maxkamadda sare ee dalkaasi ayaa go’aamisay in doorashada dib loo dhigo maadama ay ahayn mid loo wada dhan yahay, balse dawladda ayaa amarkaas ka hor timid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here