Dalka Burundi oo maanta ay doorasho ka dhacayso

U tartamasyaasha doorashada

Shacabka Burundi ayaa maanta u dareeray dorashadii ugu horreesay oo si dimuqaraadi ah ku dhacda tan iyo dagaaladii sokeeye ee sannadii 1993-kii.
Guddiga doorashada ayaa ku baaqay in codeeynta ay si nabad ah ku dhacdo iyada oo ay jiraan rabshado siyaasadeed iyo fayraaska korona.
Codeeynta ayaa bilaabmatay 6-dii aroornimo saacada bariga Afrika waxayna shacabka u codeenayaan madaxweyne, xildhibaanada iyo wakiilada hoose.
Madaxweyne Pierre Nkurunziza, oo marar badan dowladiisa lagu eedeyay xad gudub ka dhan ah xuquuqda bani’aadamka ayaa xilka ka dagaya muddo 15 sano oo uu dalkaasi saboolka ah maamulayay.
Xisbigiisa (CNDD-FDD) ayaa waxaa tikidka madaxweynaha ugu tartamaya Evariste Ndayishimiye oo ah sarkaal hore oo ciidan waxuuna loolan adag kala kulmaya hoggaamiyaha mucaaradka Agathon Rwasa iyo shan musharax oo kale.
Cod bixiyaasha ayaa loogu baaqay inay guryahooda ku laabtan marka ay codeeyaan waxaana mamnuuc ah isku imaatinka dadweynaha.
Dawladda ayaa diiday in ergo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay la socdaan doorashada iyada oo ku eedeysay in taageero ay u muujinayaan mucaaradka.
Qadka isgaar-siinta ayaa sido kale la lumiyay hal saac ka hor codeeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here