Dalka Jarmalka oo laga cabsi qabo in fayraska korona uu gaaro heerkii labaad

Sarkaal sare oo ka tirsan caafimaadka dalka Jarmalka ayaa sheegay in mawjada labaad ee fayraska korona uu ku dhufan karo wadankaasi.
Waxaa uu sheegay in Kiisaska ay hoos u dhacayaan balse taasi ay ahayn calaamad cad.
Jarmalka ayaa waxaa uu bilaabay in uu khafiifiyo xayiraadihii saarna wadanka.
Dhanka kale warbixin laga shaaciyay dalka Ingriiska ayaa lagu sheegay in dadka madowga ah iyo kuwa Indian-ka, Pakistaan-ka iyo Bangladesh ay ka dhiman og yihiin marka loo barbar dhigo dadka caddaanka ah.
Aqalka hoose ee baarlamaanka Poland, ee Sejm, ayaa ansixiyay sharci ay maal galisay dowladda oo u ogolaanaya in doorashada madaxweynaha ay dib ugu bilaabato codbixinta boostada, sida ku xusan diiwaangelinta codbixinta.
Guud ahaan caalamka tirada dadka uu soo ritay fayraska korona ayaa gaartay in ka badan 3,836,000 waxaana u dhintay dad gaaraya 265,300.
Waxaa ka caafimaaday dad kor u dhaafaya 1,300,000 oo qof.
Qaarada Afrika waxuu cudurkan ku dhacay dad tiradoodu ay dhantahay 52,882 halka uu nolashoodu galaftay in ka badan 2,000 oo qof.
Sido kale waxaa kasoo kabatay qaarada dad gaaraya 18,300.
Dalka Japan waxaa laga yaaba in laga qaado xaalada deg deg ee dalkaasi saaran iyada oo qaar kamid ah gobolada dalkaasi uu kasoo yaraanayo caabuqa.
Arrintan ayaa waxaa ka dhawaajiyay wasiirka dhaqaalaha ee Japan Yasutoshi Nishimura.
Horraantii isbuucan ayay ahayd markii rai’isul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe uu kor dhiyay mudada uu xaalada deg dega ku jirayo dalkaasi ila iyo dhamaadka bishan.
Shiinaha ayaa ku eedeeyay xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo in uu ka been sheegayo xaalada fayraska ayna waxba ka jirin eedeymaha uu u jeedinayo Beijing.
Mareykanka ayaa ku eedeeyay Beijing inay si xun u maareysey cudurka dillaacay.
Ruushka waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay fayraska korona laga helay 11,231 waxayna tirada guud ka dhigeysaa 177,160.
Sido kale waxaa dalkaasi ugu dhintay fayraska 88 qof taas oo tirada guud ka dhigeysa 1,625.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here