Dalka oo lagu arkay kiis kii ugu horeeyay ee Coronavirus

Wasiirka wasaarada caafimaadka ee dalka , Mutahi Kagwe, ayaa goor dhaweyd shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalka.
Haweeneyda cudurka lagu arkay ayaa la sheegay inay ka timid Maraykanka, soona martay London.
Wasiirka ayaa sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono cisbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso.
Dowladda ayaa sheegtay inay dabagal ku samayn doonto dhammaan dadkii la kulmay haweeneydaasi tan iyo markii ay soo laabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here