Dalka Ruushka oo looga dareeray doorasho wax looga bedalayo dastuurka

Dalka Ruushka ayaa laga bilaabay codayn wax looga bedalayo dastuurka dalkaasi u dajisan si uu xilka madaxtinimada ugu tartamo markale madaxweyne Vladimir Putin.
Codeynta ayaa u oggalaan doonta Mr. Putin in uu labo muddo xileed oo dheeri ah u tartamo xilka madaxweynenimo taas oo ay suurtagal tahay in uu xilka sii hayo 16-ka sanno ee soo socota.
Saraakiisha doorashooyinka ayaa sheegay in maanta ay codeynta ka bilaawatay guud ahaan dalka isla markana ay socon doonta ilaa iyo 1-da Luulyo si loo yareeyo tirada dadka codeenayo fayraaska koroona awadii.
Cod bixiyayaasha oo dhan 110 milyan ayaa la siin doonaa maaskaro iyo gacmo nadiifiye.
Doorashada ayaa lagu waday in ay dhacdo bishii Abril balse dib loo dhigay ka dib markii fayraaska koroona uu si xawli ah ugu faafay.
Madaxweyne ayaa dalkan ka talinayay 20 sanno isagoo soo noqday raii’sul wasaare ama madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here