Dalka Shiinaha oo laga diiwaangeliyay 11 oo ah kiisaska cusub ee coronavirus

Dowladda dalka Shiinaha ayaa sheegtay inay diiwaangelisay kiisas cusub oo la xiriira caabuqa coronavirus oo gaaraya 11.
Guddiga qaran ee caafimaadka wadankaas ayaa hoosta ka xarriiqay in afar ka mid ah kiisaskan ay yihiin kuwo lagu arkay dad ka yimid dibadda Shiinaha.
Toddobada kale ayaa ah kuwo la isugu gudbiyay gudaha dalkaas oo 6 ka mid ah laga xaqiijiyay gobolka ku yaalla waqooyiga bari ee Heilongjiang.
Hasa ahaate ma jirto dhimasho hor leh oo la soo dheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here