Dalka Soomaaliya oo Maanta ka dhaqan galay Mabnuuca Duulimaadyada Caalamiga ah

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in guud ahaan dalka Soomaaliya aysan Maanta ka deign Waxdiyaarad ah oo ka timid wadamada Caalamka.
Diyaarada Fly Dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ayadoon Dagin ama Garoon aan caga dhigan waxay Maanta ka laabatay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargaysa,sidoo kale waxaan Magaalada hargaysa maanta ka dagin diyaarada Ethopian Airlines oo maalinkasta 11 barqonimo Hargayso tagi jirtay.
Joojinta duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya imaanaya ayaa waxaa Magaalooyinka Qaarkood lagu badashay Qare kaasoo dadka ay ku gadayaan Suuqa Qaadka ee Magaalooyin ay ka mid tahay magaalada Jowhar.
Qaar ka mid ah dadka shacabaka ah ee qaadka Isticmaala iyo kuwa ka ganacsada ayaa maanta lagu arkayay Suuqyada Magaalada Jowhar ayagoo gadayo khutaarta gaar ahaan Qarah.

Maalinkii Isniintii ee la soo dhaafay ayay ahayd Markii Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee dowlada Soomaaliy uu ku dhawaaqay in dhamaan la joojinayo duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada dalka Soomaaliya iyo kuwa ka baxa laga bilaabo Maanta oo ku beegan 19/3/2020 waxayna dowladu go’aankaas u qaadatay si loo Xakameeyo Cudurka CORONAVIRUS.
Go’aankaan ayaa si rasmi ah Maanta u dhaqan galay Mana jirto Hal Diyaarada oo Caalami ah oo dalka Soomaaliya ka tagtay marka laga reebo diyaaradaha gobolada wadanka isaga kala goosha.
Madaarka Magaalada muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka ayayna ka dhaqan gashay,maadaama ay Go’aankaas dowladda u gaartey arrimo la xiriira ka hortaga iyo xakamaynta Caabuqa Coronavirs sida Xowliga ah aduunka ugu fidaya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waqti badan galineyso sida looga hortegi karo Caabuqa Coronavirus oo dalal badan saameyn ku yeeshay,iadoo joojisey duulimadyadaii Caalamiga ahaa,sidoo kale xirtey muddo 15 Cisho ah Goobaha Waxbarashada ee guud ahaan wadanka.
Dalal badan ayaa qaatey Go’aan noocan oo kale oo uu Cudurkaasi corona-virus gaarey iyo kuwo uusan weli gaarin,iyadoo lagu dadaalaayo in cudurkaasi uusan dadka gaarin maadaama uu si sahlan ku gudbi karo.
Wasaaradda Caafimaadka dowlada Somaaliya ayaa Isniintii la soo dhaafay shaacisey inay hayaan qofkii ugu horeeyay ee laga helay Cudurka Coronavirus,kaas kaasoo la karantiiley kadibna caabuqu ku soo baxay markii Baaritaan lagu sameeyay.
Dowladda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa dhankeeda Shalay xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona lagu arkay Gudaha dalkaasi,xilli horay dalal badan oo afrikaan ah oo looga helay Cudurka Coronavirus.
Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye ayaa xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay Caabuqa, kaasoo dalka Jabuuti gaaray 14-kii bishan.
Cudurkan saf-marka ah ayaa horay loogu arkay wadamada Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya,waxaana uu walaac xoogan ku abuurey dalal badan oo ku yaalla Yurub Ameerika iyo Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here