Dalka Sri Lanka oo ay doorasho ka dhacayso

Shacabka dalka Sri Lanka ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay kaga qayb qaataan doorasho baarlamaani ah.
Codbixiyaasha ayaan aad isugu dhaweyn sido kalena xiran maaskaro.
Waxay dooranayaan xildhibaano uu madaxweynaha wadankaas Gotabaya Rajapaksa filaya inay sii xoojin doonaan awoodiisa dhanka maamulka.
Dowladda dalka Sri Lanka oo ku tiirsan dalxiiska ayaa la daala dhacaysay dib u soo nooleyn dhaqaale tan iyo weeraradii sannadkii hore lagu qaaday maqaayado iyo kaniisado oo ay xigtay xayiraad lagu xakameynaya faafidda fayraska corona.
Sri Lanka ayaa shalay laga diiwaangeliyay xaaladaha coronavirus oo dhan 2,828 iyo dhimasho 11 ah.
Madaxweyne Rajapaksa oo xilka qabtay bishii 11-aad ee sannadkii hore ayaa sheeganaya inuu si weyn u xakameeyay cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here