Dalladda golayaasha ismaamullada oo baaq ka soo saartay Coronavirus

Waxaa la filayaa in golayaasha dhammaan 47-da ismaamul ee wadanka ay muddo 15 cisho ah hakad geliyaan howlahooda.
Arrintan ayaa timid kaddib markii gudaha wadanka laga xaqiijiyay saddex qof oo qabo caabuqa Coronavirus halka saddex kale oo laga shakiyay si dhow xaaladooda caafimaad loola socdo.
Dalladda ay ku mideysan yihiin golayaasha hoose ee ismaamullada ee (CAF) ayaa sheegtay in fasaxa ay wakiiladda galayaan uu qeyb ka yahay dadaallada looga hor tagayo in cudurka COVID-19 uu gudaha wadanka ku sii faafo.
Guddoomiyaha CAF ,Ndegwa Wahome ayaa golayaasha ismaamullada ku booriyay inay hakiyaan dhammaan howlahooda sido kalena shaqaalaha ay u ogolaadaan inay waajibaadkooda gutaan iyagoo guriyaha ku sugan.
Dhanka kale xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa lagu wadaa inay galinka dambe ee maanta isbeddelo ku sameyaan jadwalka kal fadhiyadooda si iyagana loo fasaxo.
Ismaamullada dalka ayaa guda galay tallaabooyin dhowr ah oo lagu doonayo in looga hor tago faafidda cudurka.
Barasaabka ismaamulka Kakamega ,Wycliffe Oparanya ayaa amar ku bixiyay in la xiro goobaha meydadka la dhigo.
Waxaa uu qoysaska ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegaan meydadka weli ku jiro meelaha lagu keydiyo ee isbitaallada.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Nandi, Stephen Sang ayaa shaqaalaha ismaamulkaas oo dhan ilaa 4,000 ku wargeliyay inay shaqeeyaa iyagoo xaafadahooda ku sugan.
Waxaa xafiisyada ku sugnaan doono oo keliya shaqaalaha waaxyaha maaliyadda iyo caafimaadka.
Barasaabka ayaa dhanka kale mamnuucay ganacsiga cunnooyinka la wareejiyo ee dadweynaha laga iibiyo.
Sido kale waxaa uu amar ku bixiyay in la xiro dhammaan suuqyada iska furan ee aan lahayn xeydaab gaar ah.
Waxaa sido kale albaabada la isugu dhufanaya xarumaha carruurta iyo goobaha lagu caweeyo.
Ismaamulka Uasin Gishu waxaa la billaabay in meelaha baabuurta laga raaco laga adeegsado waxyaabaha gacmaha lagu nadiigiyo.
Dowlad deegaanka Mandera, Cali Ibraahim Rooba waxaa uu joojiyay in la safriyo sido kalena la iibiyo qaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here