Damiin uu codsaday barasaabka Nairobi oo maanta la go’aaminayo

Waxaa la filayaa in maanta maxkamadda Milimani ee magaaladatani Nairobi dib loogu celiyo guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ,Mike Sonko iyo eedeysanayaal kale oo loo haysto falal musuqmaasuq.
Isniintii ayay ahayd markii garsoore Douglas Ogoti uu dib u dhigay inuu go’aan ka soo saaro codsi ka yimid qareenada Sonko oo ahaa in eedeysanaha ay u doodayaan damiin lagu siidaayo.
Barasaabka magaala madaxda wadanka oo ilaa shalay ku jiro isbitaalka qaran ee Kenyatta ayaa mar labaad maxkamadda ka soo hormuuqan doono.
Sonko ayaa sheegay inay dhaawacyo soo gaareen maalinkii jimcada ee la soo dhaafay xilli saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay ka soo qabteen magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta, gobolka xeebta.
Warbaahinta dalka ayaa maalinkaas soo bandhigtay muuqaal laga dhex arkayo Mike Sonko iyo ciidamada soo qabtay oo wada xarbinaya.
Sonko iyo eedeysanayaal kale oo gaaraya 15 ayaa lagu soo oogay dacwado ku aaddan inay iska kaashadeen khiyaano lagu dhacay hantida dadweynaha, in ay xafiisyadooda si aan habbooneyn u adeegsadeen iyo in sido kale ay ka macaasheen dhaqaale la lunsaday.
Lacagta shakhsiyaadkan oo isugu jiro xubnaha guddiga bixiya qandaraasyada ee dowladda ismaamulka Nairobi iyo agaasimayaasha shirkadaha qandaraasyada muranka dhaliyay la siiyay la rumeysan yahay inay wax isdaba marin ku sameeyeen ayaa dhan 357.4 milyan oo shilin.
Maxkamadeynta hoggaamiyaha Nairobi iyo saraakiisha kale ayaa timid kaddib amar ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji.
Mr. Xaaji ayaa sheegay in baaritaano dheer kaddib ay heleen caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo dacwadaha ka dhan ah tuhmanayaasha.
Waxaa uu Nuurdiin intaas ku daray inaynan si fudud baaritaanada ku soo gabagabeyn maadaama la isku dayay in dambi baarayaasha loo hanjabo ama xaqiiqda jirta la qariyo.
Waxaa dhanka kale la hadal hayaa sida uu ku dambeyn doono mustaqbalka hoggaanka caasimadda wadanka ee Nairobi haddii barasaabka laga hor istaago inuu xafiiskiisa umadda uga shaqeeyo.
Bishii kowaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii uu is casilay barasaab ku xigeenkiisi , Polycarp Igathe iyadoo ilaa iyo hadda mas’uul beddelo aan la soo magacaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here