Danjiraha qaramada midoobay ee bariga dhexe oo diiday in Israa’iil ay ballaariso deegaameynta sharci darrada ah

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe Nickolay Mladenov ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay tallaabada ay Israa’iil ku ballaarinayso deegaameeynta sharci darada ah ee ka dhanka ah dhulka la haysto ee Bariga Qudus.
Waxaa uu xusay in tallaabadani ay tahay mid jabinayso sharciyada caalamiga ah.
Arrintan ayaa sidoo kale u muuqata mid ka carreysiin karto xukuumadda cusub ee Mareykanka ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.
Mr. Biden ayaa ku gacan seeray in Israa’iil ay ballaariso deegaameynta sharci darrada ah ee Bariga Qudus, taas bedalkeeda uu ku baaqay in Falastiin iyo Isra’il ay xal ka gaaraan.
Axaddii ayay ahayd markii hay’adda dhulka u qaabilsan Israa’iil ay sheegtay inay biloowday bixinta qandaraasyo lagu dhisayo 1,200 oo ah dhismooyin laga hirgelinaya aagga Givat Hamatos.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here