Danjirihii Soomaaliya ee dalka Masar oo geeriyooday

Wararka ka imaanaya bariga dhexe ayaa sheegaya in Alle ha u Naxariistee uu dalka Kuwait ku geeriyooday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo wadamada Jaamacadda Carabta Cabdi Qani Maxamed Waceys.
Wararka ay warbaahinta gudaha Soomaaliya Baahisay ayaa sheegaya in safiirka uu qabay uuna la xanuun sanayay Cudurka Macaanka ama Sokorta oo kamid ah Cudurada daaha kadibna geeridiisa la soo sheegay.
Cabdi Qani Maxamed Waceys ayaa ahaa Diblomaasi muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 1970,iyadoo uu dalal dhowr ah Safiir kasoo noqday.
Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii May ee sanadkii 2019 u yeertay safiirka inuu dalka kusoo laabto sababo la xiriira in isbedel lagu sameeyo balse aysan suurtagelin,waxaana uu xilligaas wixii ka dambeeyay ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here