Dar Es Salaam oo u yeertay Safiirka Kenya ee Tanzania

Tanzania ayaa u yeertay Safiirka Kenya u fadhiya Dar Es Salaam Dan Kazungu si u faahfahin ugu bixiyohadalka ka soo yeeray xildhibanka deeganka Strehe Charles Njagua oo ku hanjabay inuu ka saarayo ganacsatada ajaaniibta ah suuqyada Nairobi.
Xildhibanka deeganka Strehe ayaa ka hadlay Tanzania, Uganda iyo China asaga oo ku eedeeyey inay shaqada kala wareegayaan Kenyanka.
Afhayenka barlamanka Tanzania Job Ndugai ayaa bixiyay amar ka dib markii uu xildhibanka Rufiji Mohammed Mchengerwa uu doonaye talabda xigta ee ku aadan hannaanka ay u xaqiijineyso magan galyada shacabka Tanzania oo dalka ku ganacsada.
Ra’isul Wasaraha dalka Tanzania Kassim Majaliwa ayaa sheegya in dowladooda ay hadaladaas dhabaysan fududeysanayn isla markanau yeereen safiirka Kenya si uu u faahfahiyo.

DShanka Kale dowlada ayaa u xaqiijisay maalgashadayaasha dalalka kale u dhashay ee dalka ku sugan amankooda iyo hantidooda.Tani ayaa timid markii uu baraha bulshada ku faafay muuqal uu xildhibanka deeganka Starehe Charles Kanyi oo loo yaqaano Jaguar ku hanjabay inuu xog ooga saarayo dalka.
Jaguar ayaa muqalkaasi lagu maqlay asaga oo ugu yeerayo ajanibta ku ganacsada deegankiisa inay xiraan ka dibna dalka isaga baxaan,haday taasi samayn waayan awood ayaan u adeegsaneynaa.
Hasa ahate war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayenka dowlada Cyrus Oguna ayaa lagu dhaleeceyay hadalada xildhibanka asaga oo intaa ku daray inay meel dhigeen hanaankii looga hortagi laha.
Xildhiban Jaguar ayaa mmuqalkaasi u qabtay Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’I 24-Saac oo kama dambays ah si uu u tarxiilo ajaaninta u dhalatay dalka Shiinaha iyo dallalka kale u dhashay oo ku ganacsada suuqa dharka la soo isticmaalay ee Gikomba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here