Daraasaad dekedaha Soomaaliya lagu sameeyay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir,garyaqaanka guud ee dowlada,wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiin kale oo dowlada Soomaaliya ka tirsan ayaa ka qayb Galay Daraasad laga sameeyey Dakedaha Soomaaliya oo ay soo diyaarisay wasaaradda Dakedaha taasoo lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wasiirada wasaaradaha Warfaafint,dhaqanka iyo Dalxiis iyo Maaliyada Maxamed Xayir Maareeye iyo C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa labaduba sheegay in dalka Soomaaliya leeyahay wadiiqooyin Muhiim ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeedba faqriga uga bixi karaan

Wasiirka wasaarada dekedaha ee dowlada Soomaaliya Maryan Aways Jaamac ayaa dhankiisa sheegtay in daraasadaan ay wasaaradu Samaysan ay dhabaha u xaarayso anba qaadka Qorshaha dayn Cafiska Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filisha ayaa xusay inay waajib tahay qofkasta inuu ka qayb qaato Hormarinta dalkiisa Hooyo isagoo wasaarada dekedaha iyo gaadiidka Bada uga Mahadceliyay daraasaadkaan ay soo bandhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here