Daraasad ayaa muujineysa in cabida sigarka laga dhaxlo arag beel

Dadka caba sigarka ayaa laba jeer ahaan halis ugu jira inay araga beelaan marka loo barbardhigo kuwa aan cabin,Sida kucad daraasad cusub.
Inkasta oo cabida sigarka lala xiririyo cudurada sambabada,Daraasadan ay soo saareen dugsiga Africa ee Indhaha ayaa tuseysa in cabida sigaarka ay saamayn ku yeelaneyso araga.
Waxaa ku cad in maadooyinka sagaarka ay sababaan in unugyada indhaha ay dhintaan ama ay dilaacaan.Tani aya waxay sababeysa in indhaha ay gaaraan meel aan wax looga qaban Karin ugu dambayna qofka uu araga beelo.
Balse daraasada ayaa waxa ku qeexan inaysan kaliya tani sameyneynin dadka caba balse xita dadka uu soo gaaro qaaca sigaarka.
Sida ku cad iyo kuwa kale oo la sameeyay sanadkii 2018-ka ,Dadka ku nool gobolada xeebta,Bariga iyo Nairobi ayaa halis wayn ugu jira inay araggooda lumiyaan marka loo barbardhigo kuwa gobolka Nyanza.
Isitcmaalka tubakada waxa ku horeeya gobolada Xeebta iyo bariga. Sagaalkii qof oo ay da’adpoodu u dhaxeyso 15-65 sano hal qof ayaa isticmaala badeecada tubaakada.
Dhakhatiirta ayaa waxay sheegayan inay dadka garanayaan khatarta uu leeyahay sagaarka ee dhalini karta cudurka Kansarka iyo saameynta uu ku yeelan karo sambabada balse magaranayaan sida uu sigaarka u saameynayo araga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here